Weerarrada Boko Xaraam oo saameeyay waxbarashada

  • 22 Disembar 2015
Image caption Malaayiin qof ayaa ka barakacay weerarrada Boko Xaraam

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in weerarrada Boko Xaraam ay saameeyeen waxbarashada malaayiin arday ah oo ku nool Nigeria ee dalalka deriska la ah.

Hay’adda ayaa sheegtay in tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Boko Xaraam la bartilmaameedsaday boqolaal iskuul oo qaarkood la dhacay, halka kuwo kalena la gubay.

Ururka ayaa gudaha Nigeria ku dilay in ka badan 600 oo macallin. Dalka deriska la ah ee Cameroon ayaa waxaa dib loo furmay boqolkiiba hal iskuullada ku xirmay weerarrada Boko Xaraam.

Duulaanka Boko Xaraam oo hadda socda sanadkii lixaad ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof, halka in ka badan laba milyan oo qofna ay guryahooda ka barakaceen.

Hay’adda UNICEF ayaa codsaneysa in ka badan 20 milyan oo dollar si ay u caawiso iskuulaadka ku yaalla gobolka.

Ururka Boko Xaraam ayaa soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii uu iskuul ku yaalla waqooyi bari Nigeria ka afduubtay in ka badan 200 oo gabdho arday ah.

In ka badan sanad iyo bar ka dib markii gabdhahaasi la qafaashay, ayaa ciidammada Nigeria waxa ay u muuqdaan kuwo aan u dhaweyn soo celintooda.